Conference
Conference
2007
Shir gobolka Ogaden ku saabsan oo ka dhacay San
Diego, USA
September 8-9th, 2006 waxaa
magaalada San Diego ee Gobolka California ee Maraykanka ka
dhacay shir si wayn loo soo agaasimay oo ku
saabsan xaaladda siyaasadeed iyo bini’aadamnimo ee Soomaalida
gobolka Ogaden. Shirkaas waxaa si wada jir ah u soo wada qabanqaabiyey
ururka Codka Nabadda ee Ogadenia ee afka Ingriiska loogu yeedho “Ogaden
Voice for Peace” iyo Machadka Nabadda iyo Caddaaladda ee
Joan B. Kroc ee jaamicadda San Diego (Joan B. Kroc Institute
for Peace & Justice, University of San Diego). Shirkan
Shirka waxaa hal-ku-dhig
u ahaa “Dadaalka nabad waarta
oo ka dhalata Ogadenya” ama “Working Towards a Lasting
peace in the Ogaden”. Waxaa lagu falanqeeyey xaaladda siyaasadeed,
bini’aadamnimo iyo sidii nabad looga gaadhi lahaa dhibaatada
faca wayn ee dalka Ogaadenya.
Waxaa shirkaas ka soo qaybgalay xeel-dheerayaal arrimaha gobolka
Ogaden iyo guud ahaan geeska Africa, aqoonyahanno iyo marti sharaf
kale oo ka kala timid gobollo kala duwan oo Maraykanka iyo Canada
ah. Khubaradii iyo aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirkaas waxaa
ka mid ahaa
Abdi Mohamoud,(Mahamed Shiekh Axmad) oo shirka furay matalayayna
ururka Ogaden Voice for Peace. Ururkani waa urur isku xidhi doonaa
jaaliyadaha Waqooyi mareykanka dagan ee danaynaysa xaqa ummada
Soomaaliyeed ee gobokla Ogaden. Aad wuxuu ugu mahadnaqay umada
balaadhan ee ka soo qayb qaatatay shirkan iyo in uu wakhtigii
umadani ay soo dhawdahay.
Dr Mohamed Mukhtaar Huseen oo ah asaasaha iyo madaxa Machadka
Caalamaiga ee Cilmi-baadhista Somalida Ogaadenya (International
Somali-Ogaden Studies Institute) wuxuu ka hadlay taariikhda dheer
ee guumeystaha itoobiya uu u dagay ummada soomaaliyeed. Waxaa
kale uu ka hadlay ummada Itoobiya in ay dad tirro yar ay maxaabiis
u yihiin oo xuquudoodana ay ku tomato.
Saadiq Abdiraxmaan oo ah aqoonyahan u ololeeya xuquuqda aadanaha,
gaar ahaan Ogadenia, hawlo muhiim ahna u qabta ururka Ogaden
Human Rights Committee. Said wuu soo hordhigay shirka waraaqihii
heshiiska ee ingiriiska iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen iyo sidii
ay arrintaasi bilaa sharci u ahayd
Dr. Joyce Neu, Madaxa machadka Nabadda iyo caddaaladda ee Joan
B. Kroc ee Jaamicadda San Diego ayaa ka hadashay inta khilaaf
ee aduunka ka jirra eey dhex gashay. Joyce waxay la taliye u
ahayd Madaxweynihii Mareykanka ee Jimmy Carter. Iminkana dawladda
Mareykanka gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada ayaa ka codsatay
in ay dhibka ka jirta Nepal iyo Uganda ay gacan ka geysato sidii
nabad galyo loogu xalin lahaa. Labada gurri ee baarlamaanka ee
mareykankuba way casuumaan si ay war uga bixiso khilaafyada Afrika
ka jirra iyo tallo sidii loo xallin lahaa.
Herman J. Cohen oo
ah diblomasi maraykan ah kuna xeel dheer arrimaha geeska Afrika.
Ambassador Cohen wuxuu ka hadlay in uu
go’aankii uu gaadhay in ay Eritrea ka go’do Itoobiya
in uu ahaa arrin taariikhda gashay oo sax aheyd. Ambassador wuxuu
kale oo uu sheegay in uu taageersanyahay in dadka afti laga qaado
sababta oo ah weligood lama waydiinin waxay rabaan. Wuxuu kale
oo uu balanqaaday in uu dagaal siyaasadeed inala gali doono.
Waxaa kale uu ambassadorku yidhi in uu ururka Ogaden Voice for
Peace ku caawin doono tallo siyaasadeed. Labada Maalmoodba ambassadorku
wuu hadlay.
Fowsiya Abdiqaadir oo ah ka tirsan hawlo muhiim ahna u haysa
ururka Ogaden Human Rights Committee qaybta Kanada, gaar ahaan
xuquuqda Haweenka iyo carruurta. Fowsiya waxay ka hadashay dhibka
qilaafkan dheere uu ugeystay dumarka iyo in culayska dumarka
saran. Kathi Anderson oo ah madaxa ururka dadka ka badbaaday
ciqaabaha (Survivors of Torture.
Robert Montgomery oo ah maamulaha dib-u-dajinta dadka qaxootiga
ah.
Dr Abdiraxmaan Jaamac barre, Wasiirka arrimaha Dibadda ee hore
ee dalka Somalia- Dr. Barre wuxuu si faah faahin badan maalintii
labaad uga hadlay dhibka dadka Soomaliyeed ey itoobiya guumeysato
ay soo mareen. Taariikhdii dheerayd eey itoobiya dadka ay xuquuqdooda
ay ku tumatay. Waxaa kale oo Dr. Barre ka hadlay inta jeer ee
la isku dayay in xal arrinta Soomalida gobolka Ogaden laga gaadho.
Dr Ali Khalif Galaydh, Rasiisal wasaarihii hore ee dawladdii
ku meel gaadhka ahayd ee carta. Dr. Galaydh maalintii labaad
ayuu si caalami ah uga hadlay siyaasada cusub ee Soomaliya haysata
iyo lugta ay Itoobiya ku leedahay. Dr. Galaydh wuxuu si faaf
faahin badan uga hadlay in ay ummada soomaaliyeed u baahantahay
in ay iyagu dib isugu laabtaan si khilaafka ka dhexeeya iyaga
ay u xalin lahaayeen.
Aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka waxay halkaas ku soo
bandhigeen xog iyo warbixin isugu jirta taariikh, falanqayn sidii
dhibaatadu ku abuurantay iyo sida loo xalin karo iyo kaalinta
dadka qurbo joogta ah ay ka gaysan karaan xallinta dhibaatada
Gobolka Ogaden.
Dadkii goobta ka hadlay waxay dhammaantood qireen in shacbiga
Soomaliyeed ee Ogaden ay xuquuqdoodii maqantahay, loona baahan
yahay in loo ololeeyo sidii ay aayo-ka-talintooda ay dib ugu
heli lahaayeen.
